GUIDANCE OF CANADIAN SOMALI YOUTH
1949 Weston Rd Unit 4
Toronto, Ontario,
M9N 1W3
416-241-1434(tel)
416-241-1434 (fax)
Email Us

      Somali Sports  :  

    International Sports:  

      Int. Leagues:


Casho sharaf si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Karuur Restaurant ee magaalada Toronto.


Casho sharaftan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Guidance of Canadian Somali Youth Org. ayaa ulajeedadiisu ahayd iney ugu mahadceliyaan dadkii gacanta ka siiyay tartankii kubadda cagta ee ay u qabteen ciyaartooyda da’da yar.

Cashada kadib ayaa waxaa ugu horeyntii halkaasi ereyo kooban ka soo jeediyay Dahir Hassan Hussein(Marshaale), oo ka tirsan maamulka ururkan. Marshaale wuxuu si weyn ugu
nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in bahweynta sportiga ay markasta meel ka soo wada jeestaan, gacmahana is qabsadaan.

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Guddomiye Cumar Warsame oo si weyn ugu mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladaasi. Mr.Warsame ayaa sheegay in ulajeedada
halkaasi leesugu yimid ay ahayd in ay u mahadceliyaan dhamaan dadkii kala qeybgalay tartankii kubadda cagta ee dhallinyarada ay da’dooda ka hooseyso 16 jir.

Sidoo kale qaar ka mid ah marti sharaftii ka soo qeybgashay xafladan ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay iyagoo aad ugu hambalyeeyay ururka Guidance of Canadian Somali Youth Org. guud ahaan shaqada weyn oo ay u hayaan caruurta iyo weliba gaar ahaan tartankii
maalinlaha ahaa oo ay u qabteen ciyaartooyda reer Toronto iyo kuwa Ottawa.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi loogu duceeyay waddanka Soomaaliya inuu ilaahey nabad ku soo celiyo. Guddiga Guidance of Canadian Somali Youth Organization ayaa waxaa halkaasi ka joogay Guddomiye Cumar Warsame, Dahir Hassan Hussein(Marshaale), Dahir M. Raghe(Dahir Boodaye. Marti sharaftii halkaasi isugu timid ayaa iyaduna waxaa ka mid ahaa: Bashi Cali Bashi, Ibrahim, Mohamed Busuri, Cabdixakim Dheere, Sheekh Maxamuud, Da’uud Dheere, Musse Abti, Liban Shariif iyo qaar kale.

   

© Copyright 2009 GOCSY.com All Rights Reserved