Laura Albanese, MPP - York South-Weston
ayaa martiqaad u fidisay the Guidance of Canadian Somali Youth
Organzation.
Martiqaadkan ayaa waxaa ka qeybgalay ciyaartooyda, macallimiinta
iyo qaar ka mid ah waalidiinta.
Ulajeedada
martiqaadkan ayaa iyadu ahayd in dhallinyaradan ciyaartooyda ah
ay soo arkaan xarrunta baarlamanka gobolkan Ontario. Queens
park.
Ugu horeyntii dhallinyarada waxay halkaasi ku cuneen qado sharaf
loogu talo galay
Intaa kadib waxay bilabeen iney ku soo dhex wareegaan Queens
park, iyadoo ay la socdaan gabdho u sharxayay hadba meesha ay
marayaan
Wax
xogaa ayay soo dhageysteen wixii halkaasi ka socday iyo sidii
ay xildhibaanada hadala u kala helayeen.
Ugu dambeyntii waxay dhowr sawiro la galeen Xildhibaan Laura Albanese,
iyagoo halkaasi ugu mahadceliyay fursadan qaaliga ah oo ay siisay.