GUIDANCE OF CANADIAN SOMALI YOUTH
1949 Weston Rd Unit 4
Toronto, Ontario,
M9N 1W3
416-241-1434(tel)
416-241-1434 (fax)
Email Us

      Somali Sports  :  

    International Sports:  

      International Leagues:


Winsor Oo Loo Itaal shegtay kadib markii ay fooda is dareen Kooxda Toronto

Cayaar xiise leh ayaa ka dhacay magalada toronto,oo ay iskaga hor yimadeen kooxda hillaac oo ka socoto toronto iyo koox ka socoto windsor,kooxahas oo kala ahaa odayasha cusladay iyo da,da yar yar,cayaarta kowaad ayaa waxaa cayaaray odayasha,waxayna soo bandhigeen cayaar aad iyo aad u wanagsan oolaheed weerar iyo weerar celin.

Qaybta kowaad waxay ku dhamatay kooxda Toronto1, kooxda windsor 0. Qaybta labaad kooxda windsor waxay la timid hal gool meesha kooxda toronto ay keentay laba gool,uga danbeenti waxay ku dhamatay kooxda toronto 3 kooxda windsor 1.

Kooxda odayasha Ttoronto awood ayey u sheegteen kooxda windsor kooxda odayasha toronto waxaa macalin u ahaa Abdulqadir Muse (Nuraye).

Cayaarti labaad ayaa waxaa cayaaray kooxaha da.da yar,oo kala ahaa kooxda Hilaac iyo kooxda Windsor waxay soo bandhigeen cayaar aad u wanagsan inkastoo kooxda windsor awood loo sheegtay ugu danbeenti cayaarta waxay ku dhamatay kooxda hilaac oo dhalisay 5 gool meesha kooxda windsor ay keensatay 1 gool.

Kooxda hilaac waxaa macalin u ahaa Marshale iyo Dahir Boodaye, mar wareysanay labada macalin waxay noo shegeen in ay waqti dheer isku hayeen dhalintan da,da yar oo cayaar wanagsan la yimid garoonka,cayaaraha nocaan aya markasto dhex maro labadan koxod sanadkasta.

Ciyaarahan waxaa soo diyaariyay Maamulka Guidance of Canadian Somali Youth.

   

© Copyright 2009 GOCSY.com All Rights Reserved