
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0
looga badiyay ciyaar ka tirsaneyd tartanka Bariga iyo Bartamaha
Afrika oo maanta Nairobi ka dhacday
Axad, November 29, 2009: Ciyaar ka tirsaneyd Koobka Tartanka Bariga
iyo Bartamaha Afrika oo maanta ka dhacday garoonka NYAYA NATIONAL
STADIUM ayaa waxay dhexmartay Xulalka Soomaaliya iyo Rwanda.
Ciyaarta
ayaa markii ay bilaabatay oo ay socotay 4 daqiiqadooda waxaa Xulka
Soomaaliya laga dhaliyay Gool, kaasi oo ay si weyn uga xumaadeen
taageerayaal badan oo Xulka Soomaaliya taageerayay, kuwaasi oo
ka kala yimid Magaalooyinka kala duwan ee dalka Kenya.
Ciyaarta
labada xul dhexmartay oo ahayd mid kulul ayaa waxay labada xulba
ku guuleysan waayeen in ay goolal kale iska dhaliyaan, waxayna
ciyaarta ku soo gebagebowday 1-0 oo ay guushii ku raacday Xulka
Dalka Rwanda.
Daawashada
Ciyaartan waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda
Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya
Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika, Xildhibaan Mowliid Macaani
Maxamuud iyo xubno kale.
Goolka
deg degta ah ee laga dhaliyay Xulka Soomaaliya waxaa si weyn uga
xumaaday masuuliyiinta Dowladda ee ciyaarta daawaneysay
iyo taageerayaasha Xulka Qaranka Soomaaliya.
Safiirka
Soomaaliya oo aan markii ay ciyaarta dhamaatay wax ka weydiinay
natiijada kulankii maanta dhexmaray Xulalka Soomaaliya iyo Rwanda
ayaa wuxuu sheegay in inkastoo uu ka xun yahay in xulka Soomaaliya
laga badiyo, haddana wuxuu sheegay in ciyaaro kale ay u harsan
yihiin Xulka Soomaaliya, uuna guulo ka soo hoyn doono.
Xulka
Soomaaliya tan iyo markii ay ka soo degeen Garoonka Jomo Kenyata
waxaan u sameyneynay Safaarad ahaan dhiirigelin, haddana markii
la gaaray bar dhamaadka ciyaarta (half time-ka) waxaan u sameeyay
niyad-dhisid, markii ay ciyaarta dhamaatayna waan la hadlay, waxaana
u sheegay in aysan niyad-jebin oo ay fursad fiican heystaan,ciyaaraha
soo socdana ay natiijo fiican keeni doonaanayuu yiri Safiirka
Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Ameerika.
Xulka
Soomaaliya ayaa waxay Koox ku yihiin Dalalka Eritrea, Rwanda oo
ay maanta la ciyaareen iyo Simbabwe, waxaana sida ay sheegeen masuuliyiinta
Xiriirka Kubadda Soomaaliyeed la filayaa in ay xulka Soomaaliya
guulo ka soo hoyn doonaan tartankan.
Guddoomiyaha
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugambe
oo intii ciyaarta socotay aan kala sheekeystay sida ay socoto
ciyaarta dhexmareysa Soomaaliya iyo Rwanda iyo waxa ay rajeynayaan
kulamada soo socda ayaa wuxuu sheegay in aysan u muuqan awood
ay Kooxda Rwanda kala hortimid, wuxuuna carrabka ku dhuftay in
ay guulo rajeynayaan kulamada soo socda.
Xulka
Soomaaliya oo maanta ugu taageerayaal badnaa ayaa wuxuu ciyaartiisa
xigta Khamiista la yeelan doonaa Xulka Simbabwe, iyadoo tan ku
xigtana uu la yeelan doono xulka dalka Eritrea.